Codayntii Baarlamaanka oo Bilaabantay

Xildhibaanada Baarlamaaka ayaa bilaabay inay codka kalsoonida u qaadaan Ra'isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo golihiisa xukuumadda.

Amaanka xaruunta Baarlamaanka ayaa maanta si weyn loo adkeeyay.

Dadweynaha ayaa si weyn u sugaya natiijada ka soo baxda codbixintan.

Ra'iisal wasaare Saacid ayaa laanta af Soomaaliga ee VOA u sheegay inuu ku qancayo natjiida ka soo baxda codbixinta.

Wixii warar ah ee arrintan ka soo kordha kala soco idaacadda laanta af Soomaaliga ee VOA.