Cudur Dad ku Laayey Gobolka Hiiraan

  • Maxamud Mascadde
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in cudur aan la aqoon uu ka dilaacay deegaan lagu magacaabo Ceel-Cali oo 75km koonfur kaga began magaalada Beledweyne.

Agaasimaha cisbitaalka Beledweyne, Axmed Maxamed Khaliif ayaa VOA u sheeegay in ugu yaraan 40 qof ay u dhinteen cudurkan.

Goobaha cudurku ka dilaacay waxaa gacanta ku haya ururka al-Shabaab, waxaana adag in hay’addaha caafimaadku ay tagaan halkaasi, iyadoo dhanka kalena dadka cudurkan ku dhacay aysan u gudbi karin xarumaha goobaha caafimaadka.

Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Agaasimaha Isbitaalka Beledweyne