German special police units guard an entrance to an apartment building in the Wedding district of Berlin, Germany, Jan. 16, 2015.
Dawladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhexe ee Muqdishu u wareejisay gabadh weriye ah oo ku eedaysay laba weriye, oo ka tirsanaa Idaacadda Raadiyo Muqdishu ee ku hadasha codka dawladda, inay kufsadeen.
Waxaa kale oo xabsiga isna la dhigay weriye ka tirsanaa idaacadda Shabeelle oo gabadha waraystay iyo Agaaismaha idaacadda. Saraakiiil ka tirsan dawladda oo Idaacadda VOA ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay kiiskan ka hadlaan iyaga oo sheegay inay ka dhaxayso muwaadiniin is dacwaynaya, waxaase iyagu ka hadlay ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ.