Turkey oo Qunsuliyad ka Furaysa Somaliland

Safiiirka Turkiga

Safiiirka Turkiga

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Somalia Ambassador Cemalettin Kani Torun ayaa Madaxda Somaliland kala hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, iyo weliba sidii dawladda Turkigu ay qunsuliyad uga furan lahayd magaalada Hargeisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa isaguna sheegay inay Somaliland xafiis ka furanayso dalka Turkiga.

Safiirku wuxuu sheegay in dowladda Turkey ay balaadhinayso mashaariicda horumaneed iyo maalgashi ee ay ka wadaan Somaliland.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta kulanka Safiirka iyo Somaliland.