Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Beledweyne

Qaraxa Beledweyne

22 qof ayaa ku dhinatay magaalada weerar ka dhacay magaalada Beledweyne oo ay sheegteen ururka Al-Shabab. Goobjoogayala ayaa idaacadda VOA u sheegay in baabuur lagu qarxiyey albabaka hore ee saldhigga booliiska magaalada kaidbna dablay hubaysan ay gudaha u galeen saldhigga.

Dadka dhintay aya aiskugu jiray dad rayid ah oo saldhigga u yimid kiisas ka yaalla iyo xubno ka tirsan ciidanka booliiska.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarka, waxaana uu ku tilmaamay mid doqonnimo ah.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysi Weerarka Beledweyne



Af-hayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmana Cumar Cusmaan ayaa VOA uga warramay jawaabta madaxwyenaha. Halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Afhayeenka Madaxtooyada iyo Jawaabta Weerarka Beledweyne