Duufaan wadata Roob iyo Dabaylo xoggan oo Muddo 24 Saac iyo in ka badan haysay xeebaha Puntland ayaa lagu soo waramaya in ay gaysatay khasaaro dhimasho oo aad u badan.
Dowladda Puntland ay sheegtay in dhimashada ay gaarayso ku dhowaad 100 Qof iyada oo qaar ka mid ah dadka deegaanku ay VOAda u xaqiijiyen in Labaatan qof la hubo dhimashadooda.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in meelaha ugu sii daran ay yihiin saddex-geeska Dan-gorayo, Beyra iyo Eyl.
Waxaana uu ku dhawaaqay in la aasaasay guddi gurmadka deg degga ah u qaabilsan.
Warbixin faahfahsan oo arrintan ku saabsan iyo hadalka Madaxweyne Faroole ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.