Shirweynaha Caafimaadka Soomaaliya.

Shirweynaha caafimaaka Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo xiray shirweynaha caafimaadka Soomaaliya oo muddo saddex cisho ah socda.

Shirkan waxaa ka qeybgalay ergooyin iyo khubarro caafimaad oo Soomaali ah oo dalka iyo dibedda ka kala yimid. Shirweyneyahan oo uu soo xiray madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa laga soo saaray qodobo iyo talooyin ku wajahan heerka caafimaadka Soomaaliya.

Talooyinka la soo jeediyay waxaa ku jira; sameynta maamulka caafimaadka iyo maareyntiisa, siyaasadda iyo istiraatiijadda caafimaad, dib u habeynta sharciyada caafimaada, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya wasaaradda caafimaadka iyo hay'addaha kale.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso warbixin ka hadlaysa xiritaanka shirka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta