Martida Makrafoonka: Ambassador Maxamed Cali America
Maxamed Cali America
Barnaamijka Martida Makroofanka waxa uu todobaadkan ku saabsanyahay xaaladda Soomaalida Kenya ku nool iyo qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaalida, waxaana marti ku ah Safiirka Somalia u fadhiga dalka Kenya Maxamed Cali America.
Dowladaha Kenya iyo Somalia ayaa berrito la filayaa inay kala saxiixdaan heshiis ku saabsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali America ayaa VOA u sheegay in heshiiska ay labada dal gaareen u dhigayo in qaxootiga aan qasab dib loogu celin karin Soomaaliya, balse ciddii doonaysa ay si mutadawacnimo ah ugu noqon doonto Soomaaliya.
Qeybta hooose ka dhageyso barnaaamijka Martida Makrafoonka.