Khasaaraha uu Wabiga Shabeelle Geystay

Webiga Shabeelle oo ku soo fatahay deg-mada Afgooye iyo tulooyin la xiriira ayaa waxa uu geeystay khasaaro ballaaran oo ah dhinaca wax-soo-saarka beeraha , xoolaha iyo deeganka.

Fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu keenay inay bara kaceen dad lagu qiyaasay ilaa iyo sedax kun oo qof oo u baahan gurmad iyo gargaar deg deg ah.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Sheikh Maxamed Nuur (Siidii) ayaa VOAda u sheegay inay weli wadaan gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay, islamarkaana codsi u jeediyey dowladda iyo hay'adaha samafalku inay gacan ku siiyaaan gurmadka.

Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageeyso

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose