Tirada Ciidamada Amisom oo la Kordhinayo

  • Mohamed Olad
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka fiirsanaya sidii uu ogolaansho u siin lahaa in ilaa iyo afar kun oo askari oo dheeraad ah loogu kordhin lahaa howgalka Nabad ilaalinta ee ay Ciidmada Midowga Africa ka socda ka wadaan Somalia,halkaas oo ay ciidamadan kula dagaalamayaan mintidiinta kooxda Al-shabab.

Xarunta Qaramada Midoobay oo ee New York oo uu shalay ka dhacay kolan looga hadlayay Somalia waxaa warbixintan nooga soo dirtay wariyaha VOAda Margaret Besheer.
warbixin ku saabsan arintaa halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Warbixin Kordhinta Ciidanka Amisom