Qaraxii Beledweyne oo Baaritaan lagu Wado

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ayaa weli ku guda jira baaritaano la xiriira weerarkii maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Beledweyne oo dad badani ay ku dhinteen.

Dhowr qof oo lagu xiriirinayo weerarkaasi ayaa gacanta lagu dhigey, hase yeeshee maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegey in war rasmi ay uu soo saari doono marka uu baaritaanka dhamaado.

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatey weerarkaasi maalintii Sabtida ka dhacaya magaalada Beledweyne oo ay ku dhinteen 20 qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan ka soo direy magaalada Beledweyne, fadlan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Beledweyne