Madaxweyne Xassan Sheekh oo Rome Gaaray

Somali President

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tegey magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka heley dowladda Talyaaniga.

Sida uu baahiyey raadiyaha afka dowladda ku hadla ee Radio Muqdisho, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Talyaaniga, ayna ka wadahadlaan xiriirka labada dal iyo doorka Talyaaniga uu ka qaadan karo hawlaha dib u dhiska Somalia.