Madaxweynaha Somalia oo Jowhar Booqday

Madaxweynaha Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa xaley ku hoydey magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kulamo kula yeeshey madaxda maamulka gobolka iyo ururada bulshada.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo lataliyeyaasha ciidamada booliska iyo nabad sugidda.

Daud Aweis ayaa khadka telefonka kula xiriirey La Taliyaha Madaxweynaha ahna afhayeenka Madaxtooyada, Engineer Abdirahman Omar Osman Yarisow oo jooga Muqdisho, waxaana uu ugu horeyn weydiiyey faahfaahin inuu ka bixiyo socdaalka madaxweynaha uu ku tegey magaalada Jowhar.

Your browser doesn’t support HTML5

Booqashada Madaxweynaha ee Jowhar