Mashruuca Aad Dugsiga oo Somalia ka Bilowday

Maanta ayaa Lagu Wadaa in Qeybtii ugu horeysay caruur iyo dhalinyaro hal malyuun gaareysa ay u fariistaan fasaladooda wax barasho lacag la’aan ah markii ugu horeysay muddo 22 sanadood ah oo Somalia ay dagaalo ku jirtay.

Talaabadan ayaa qeyb ah olole ujeeddadiisu tahay sidii hal milyan oo carruur ah iskuullada loogu diri lahaa Somalia.

Ololaha loo bixiyay iskuulka aad waxaa uu iskumar ka bilaabanayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo Puntland ee Hargeysa iyo Garowe, sida ay sheegtay hay'adda daryeelka carruurta ee Qaramada Midoobay, UNICEF.

Saddexda sano ee mashruucani soconayo waxaa ku baxaysa lacag dhan 117 milyuun oo dollar, oo lagu dhisayo iskuullo cusub kuwii hore ee dadweynaha ee dagaalada ku bur burayna dip loogu dayactirayo.

Dr. Maryan Qaasim oo ah wasiirka Adegga bulshada ee dowladda Somalia ayaa VOAda u sheegtay in 20 dugsi oo ku yaala Magalada Muqdisho iyo kuwo kale oo ku yaala gobolada ay dowladda galaangalka u leedahay ay saakay ardayda cusub fariisan doonaan.
Wareysiga Dr. Maryan Qaasim Halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Dr. Maryam Qaasin