Maxamed Faarax oo markale ku guuleystay 10ka kun iyo 5ta kun ee mitir.
Magaalada Mosow waxaa xalay taariikh dhigay orodyahan Maxamed Faarax oo dabcan asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse u orda dalka Biritan kadib markii uu noqday ninkii labaad ee dunida ee ku guulaysta 10-ka kun ee mitir iyo 5-ta kun ee mitir ciyaaraha olombikada iyo kuwa caalamiga ee IAAF.