Martida: Abb: Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey)

  • Falastin Iman
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan ay dhawaan ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku meelmariyeen Xeerka Saxaafada Soomaaliya oo ay u soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, si nidaam loogu helo warbaahinta. uuna u kala hago dowlada iyo war baahinta madaxa banaan.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdulaahi Ciil Mooge Xersi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa banaan ay ka talo galiyeen sharcigaan, iyo sidoo kale bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka ayaa Xusay in wixii hada ka dambeeya xal loo heli doono xad-gudubyada warbaahinta iyo muranada ka taagan Hirarka FM-yada.

Barnaamijkeena Martida Makaroofanka oo Mowduucan ku saabsan oo uu marti ku yahay Abukate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Barnaamijka Martida Makaroofanka