Geelle: Mucaaradka Waan la Hadleynaa

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu ka rajo qabo in dhowaan wadahadallo u bilowdaan dawladdiisa iyo mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyey maanta oo dalkaasi laga xusyao munaasabadda 36-aad ee ka soo wareegtay markii Jbauuti Xornimada qaadatay.

Dhinaca kalena, saraakiisha dawladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM kala-qaybgalay munaasabad lagu xusayo maalinta xorriyadda Jabuuti.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dabbaaldegga ciidamada Jabuuti ee Baladweyne halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Hadalka Geelle iyo dabbaaldegga Jabuuti