Kenya oo looga Digay Faragelinta Soomaaliya

Guddoomiyihii dhaqdhaqaaqii loo yiqiiney NFD ee dalka Kenya Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul, ayaa ugu baaqay mudanaayaasha baarlamaanka Kenya in ay faraha kala baxaan amuura dalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu suldaanku ku tilmaamay in maamulka Sheikh Axmed Madoobe oo ka mid ah lixda nin ee isku haysta madaxtinimada Jubbaland uu gumeysi Soomaaliya u horseedayo.

Waxaa uu ugu baaqey Kenya inay ka fogaato wixii keeni karo khilaaf ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya. Suldaan Deeqow Macalin Sanbuul ayaa wariyaheena Maxamed Faarax Shire ugu waramay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya. Wareysiga oo dhanna halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Madaxii Hore ee NFD