QM: Caalamku waa inay Taageeraan Somalia.

Golaha Ammaanka oo ka Shiraya Arrimaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey horumarka dhinacyada badan ee laga gaarey Soomaaliya, waxaana dhanka kale uu ku booriyey beesha caalamka inay taageeraan dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista arrimo badan oo sal u ah in nabad waarta ay ka dhaqan-gasho Soomaaliya.

Shirka Golaha Ammaanka ee looga hadlayey arrimaha Soomaaliya waxaa guddoominayey Mark Simmonds, oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain ugu qaabilsan Arrimaha Afrika.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa shirka Golaha Ammaanka uga qeybgashay Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Warbixin ku saabsan arrimihii shirka looga hadlay iyo Wareysiga Wasiirka Arrimaha dibadda halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka Golaha Ammaanka ee Soomaaliya