Nin Soomaali ah oo si Xun loogu Dilay K. Afrika

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweynaha Afrikada Koonfureed dalka Jabbaan, isla markaana madaxweynaha Soomalaiya uu ka codsaday adaxweynaha Afrikada KOONFUREED in la ilalaiyo dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi.

Kulanan ayaa imanaya iyadoo weerarrada dadka Soomaalida ah eek u nool dalkaasi ay sii kordhayaan. Mid ka mid ah dilalkii ugu foosha xumaa ayaa dhacay Khamiistii aynu soo dhaafnay kadib markii la boobay dukamao ku yaalla magaalada Booysan Park oo u dhow Port Elizabeth.

Dadka halkaasi lagu dilay waxaa ka mid ahaa nin Soomalai ah oo lagu magacaabo Cabdi Axmed Good oo la sheegay in lagu dilay dhagxaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dilka ka Dhacay K. Afrika