Taksiile Soomaali ah oo lagu Weeraray Virginia

Toddobaadkan waxaa warbaahinta dalkan Maraykanka si aad ah loogala socday arin qabsatey nin Soomaaliyeed oo haysta dhalashada Mareykanka.

Maxamed Cabdow Saalim oo ku magac dheer Jibriil, waxaa weerar aflagaaddo iyo gacanba u geystey nin rakaab ah oo uu ku soo qaadey taxi uu wadey. Cabdow waxaa uu horey uga tirsanaa ciidamadii Mareykanka ee ka hawlgalay Ciraaq, isagoo haatanna ah askari kayd ah.

Maxamed waxaa uu deggan yahay gobolka Virginia gaar ahaan agagaarka magaalada madaxda Washington DC. Waxaa uu Maxamed ku andacoonayaa in weerarka loo geystey uu ahaa mid ku saleysan muslim nacayb.

Wareysiga Maxamed Cabdow Saalim halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Maxamed Cabdow Saalim


Wareysigaan oo dhamesytiranna waxaad ku maqli doontaan Barnaanijka Martida Makarafoonka.