Barnaamijka Ummuuraha Mareykanka waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay Dalka Syria oo wadamada reer galbeedku usoo jeediyeen eedo cusub oo ah inuu dagaalka kala dhexeeya falaagada u adeegsaday hubka kiimikada ah.
Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama oo ka hadlayey eedahan cusub, ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in Syria ay hubka wax gumaaada u adeegsato dadkeeda.
Obama yaa sheegay in Mareykanku uu beesha caalamka kala shaqeyn doono sidii baaris xoog leh loogu sameyn lahaa xogta ilaa iyo iminka la hayo.