QM oo Ergay Cusub u Magacaawday Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa maanta ku dhawaaqey magacaabista Mr Nicholas Kay oo u dhashey dalka Britain inuu noqdo wakiilkiisa gaarka ah ee Arrimaha Somalia.

Mr. Kay waxaa uu beddelayaa Danjire Augustine Mahiga, oo shaqadiisa dhameysanaya 3da bisha June ee sannadkan. Xoghayaha Guud ee QM ayaa amaaney shaqadii wanaagsaneyd ee uu muddada 3da sano ka soo qabtey Somalia, taas oo horseeddey dhismaha dowlad rasmi ah oo ka hanaqaaddey Somalia.

Ergeyga cusub ee la magacaabey, waxaa haatan uu yahay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain.

Waxaa uu dhashey sannadkii 1958kii. Waxaa uu leeyahay xaas iyo saddex carruur.