Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo toddobaadkii hore booqasho ku joogey dalka Maraykanka ayaa VOA uga waramay waxyaabihii u qabsoomay intii uu Maraykanka joogay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wafdigiisii uu la kulmay qeybaha kala duwan ee dawladda Maraykanka, sida siyaasiyiin iyo ganacsato intaba.