Madaxweynaha Somalia oo Maalintii Labaad ku Sugan Puntland

Puntland

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Garowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland. Booqashada Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa ah tii ugu horeysay ee Puntland ku tago tan iyo markii loo dhaariyey xilka madaxtinimada ee Soomaaliya.

Kulamadii Xalay uu Madaxweynaha kula yeeshay Garowe Madaxda Puntland iyo waxa saakay la filayo ayaan ka wareysanay la taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada C/raxman Cumar Cusman Eng. Yariisow.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga C/raxaman Yariisoow