Sideed Qof ayaa ku dhintay todoba kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen saddex gaadhi duleedka magaalada Arabsiyo oo u dhexeysa Hargeysa iyo Gebilay.
Shilkan ayaa ka dhex dhacey laba gaari oo xamuul ah iyo gaari Taxi ah oo ay dad saarnaayeen.
Duqa Magaalada Gabiley Shuceyb Maxamed Muuse, ayaa VOA u sheegay in dadkii dhintay iyo kuwii dhaawaca ahaaba loo qaaday isbitaalka Degmada Gabiley.
Weriyaheenna magaalada Hargeysa Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warkan inoo soo diray, warkoo idilna halkan hoose ka dhageyso.