Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Laba diyaaradood oo nooca rakaabka qaada ah ayaa isku dhacay iyagoo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan oo la sheegay in mid ka mid ah laga lahaa dalka Gambia tan kalena ay ahayd diyaaradaha taakuleynta ciidamada AMISOM, ayaa baalasha isku dhuftay xilli ay diyaaradda AMISOM soo fadhiisanaysay isla markaana ay garoonka sii fadhiday diyaaradda Gambia oo maalin ka hor garoonka ku ciladowday.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Cali Maxamuud Ibraahim, ayaa VOA u sheegay inaan cidina waxba ku noqon shilka diyaaradahaas.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Maareeyaha