Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabbaaldagaya sanad guuradii 53aad ee aasaaskooda
Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud aya maanta ka qeybgaley munaabad lagu maamusayey 53 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.
Munaasabadaas oo ka dhacdey xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan golaha wasiirada, baarlamanka iyo saraakiisha sare ee ciidamada dalka.