Abaal marintan la siiyay oo shanti sanadoodba ay mar bixiso FBIda ayaa
la siiyaa shaqsiyaadka ama ururada doorka fiican ka qaata hogaaminta bulshadooda, gaar ahaan la dagaalanka dambiyada, argagixisada, daroogada iyo xad gudubka xuquuqda madaniga ah.
Axmed Xersi iyo Cabdimalik Xassan Maxamed oo ka mid ah hormuudka Dhalinyarada Abaal Marinta la gudoonsiiyay oo nagu soo booqday studiyaha VOAda ee magaalada Washington ayaa waxaa wareysi la yeeshay wariyeheena Maxamud Mascade oo ugu horeyn weydiiyay Axmed Xersi waxa ay tahay biladda la siiyay.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhageyso Warbixinta Abaal Marinta la siiyay Dhalinyarada Minnesota