R/wasaare Saacid oo ka soo Laabtay Kismaayo

Wafdigii uu horkacayey Ra'iisul-wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku noqday magaalada Muqdisho, markii ay guuldareysteen wadahadalo shan maalmood socdey oo ay Kismaayo kula qaateen xubnaha maamulka KMG ee magaalada.

Labada dhinac ayaa ku heshiin waayey qaabka loo dhisayo maamulka Jubbooyinka. Dowladda ayaa u sheegtay maamulka in iyadu ay hoggaanka iyo ajandaha maamul u sameynta leedahay, halka dhinaca maamulka Kismaayo ay sheegeen in iyagu ay xaq u leeyihiin qorshaha maamul usameynta Jubbooyinka.

Ra'iisul-wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee Muqdisho ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, baarlamaanka iyo saraakiil kale.

Raiisul-wasaare Shirdoon ayaa markii uu ka degey Muqdisho waxaa uu qabtey shir jaraaiiid, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey waxaa uu Kismaayo ku soo arkey, isagoo xusay inaan weli laga quusan wadahadalada lala leeyahay Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Cabdinaasir Seerar oo ka tirsan maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa dhankooda VOA uga waramay isafgaranwaaga labada dhinac.

Hadalka Ra'iisul-wasaaraha iyo wareysiga afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo halkan hoose ka dhagayso.

Your browser doesn’t support HTML5

Hadalka Rwasaare Saacid iyo Wareysiga Seeraar