Barakacayaal Hor leh oo Gaaray Degmada Doolow

Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa gaaraya barakacayaal hor leh oo ka imanaya qaar ka mid ah degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolada Bay, iyo Bakool, iyadoo ay soo food saartay cabsi ka dib markii ciidamada Ethiopia ka ay baxeen goobo ka mida deegaanka.

Dadka deegaanka ee barakacaya ayaa qaarkood xaaladaha ammniga awgood u faaruqiyey deegaanadoodii.

Rooble waa aabe leh saddex caruur ah iyo xaas, waxa uuna VOA u sheegay isagoo jooga magaalada Doolow inuu deegaankiisii uga soo barakacay cabsi uu ka qabo xaalada ammaanka awgeed.

Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhagayso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Barakcayaasha