Gabagabadii shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ka socdey magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa waxaa laga soo saarey baaq ku saabsan in dowladda Somalia gacan laga siiyo dib u dhiska hay’adaha qaranka.
Soomaaliya ayaa waxaa shirkaasi uga qeybgaley Madaxweyne Xasan Sheikh Mohamud.
Jaamacadda Carabta ayaa soo dhoweysey horumarka siyaasadeed ee Somalia ay ku talaabsatey.