Dowladda: Ciidanka Ethiopia way sii Joogayaan

Ciidanka Ethiopia - itoobiya

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Ethiopia ay ku qancisay inay sii joogaan Gudaha Soomalia oo ay dhinaca amaanka ka sii caawiyaan dowladda inta ciidamada dowladda iyo Amisom ay kala wareegayaan.

Wasiirka warfaafinta C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa VOAda u sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay uu kulamo la qaatay saraakiisha Ethiopia iskuna afgarteen inay sii joogaan Soomaaliya.

Waxuu sheegay inuusan jirin markii horeba Khilaaf weyn oo soo kala dhex galay Ethiopia iyo Soomaaliya.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga wasiirka