Magaalada San Diego ee gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa waxa ku soo badanaya dadka Soomaalida ah ee ku nool waxana sanado ka hor laga hirgaliyay Dugsi waxbarasho oo ay gacanta ku hayaan guddi ka kooban dad Soomaali iyo Maraykan ah, waxaana dugsigaasi dhigta in ka badan 400 oo arday.