Puntland oo Diiday Qaadista Xayiraadda Hubka

  • Nuux Birjeeb
Mamulka Puntland ayaa sheegay inay ka soo horjeedan in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaalida taaso ay horay u dalbatay Dowladda Federalka Soomaaliya.

Puntland waxey sheegtay in qaadista cunaqabateyntaasi ay dan ugu jirto oo kaliya koox gaar ah oo leh damac siyaasadeed.

Waxaa kaloo ay sheegtay Puntland in xilligan Soomaaliya uu hub ka buuxo, loona baahanyahay in kaas la uruuriyo intii mid cusub la dalban lahaa.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la hadal hayo in kulan beri Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ka yeelanayo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, in muddo hal sana ah Soomaaliaya Cunaqabateynta looga qaado.

Warbixin ku saabsan hadalka ka soo yeeray Puntland halkan hoose ka dhageyso.


Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso warbixinta Puntland