Qarax ka Dhacay Maqaayad ku Taalla Muqdisho

Laba qarax ayaa goor dhaweyd lagu weeraray maqaayadda Indian Ocean oo ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdsho.

Qaraxa hore oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa ku qarxay albaalka hore ee maqaayadda. Halka qaraxa kalena uu gudaha maqaayadda isku qarxiyey qof ismiidaamiyay

Taliyaha Hogaanka Danbibaarista ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in qaraxa ilaa iyo hadda inta la ogyahay uu ku dhintay hal qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 7 kale oo ay ku jiraan qaar ka mid ah shaqaalihii maqaayadda.

Warka ku saabsan qaraxa ka dhacay maqaayadda Indian ocean halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Warka Qaraxa Maqaayadda Indian Ocean