Muqdisho oo lagu Qabtay Bandhig Faneed Lacag loogu Uruurinayay Agoonta

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay bandhig faneed lacag loogu uruurinayo agoonta iyo darbi-jiibka oo ay dhigeen fanaaniin ka yimid qurbaha oo ay ku jiraan Maxamed Xasan Xuseen Lafoole, Raxma Ruuxi iyo kuwo kale.

Bandhig faneedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Muqdisho lagu dhigo muddo 22 sanno ah.

Caruur fara badan oo qaarkood agoon ah iyo kuwa darbi jiif ah ayaa ku dhibaateysan Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Bandhig faneedka Muqdisho