Ra'iisul-wasaare kuxigeenka Turkey oo Booqday Muqdisho.

Bakir Boztag

Ra'isul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bakir Boztag oo maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisa ay mashaariicda horumarineed ee ay ka wado Muqdisho ay ku fidin doonto gobolada kale ee Soomaaliay.

Waxuu booqday goobaha uu mashaariicda ka wado Turkiga waxuuna kulan la qaatay madaxweynaha Dowladda Somalia Xassan Sheekh Maxamud iyo Ra'isul Wasaare Cabdi Farax Shirdoon Saacid , oo labaduba ka hadlay booqashada Ra'isul Wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Mashaariicda dowladiisa ay Soomaaliya ugu talagashay.

warbixin ku saabsan halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta booqashad Bakir Boztag ee Muqdisho