Qarax ka Dhacay Maqaayad ku Taalla Xeebta Liido

Sawir Qaraxa Makhaayadda Liido

Sawir Qaraxa Makhaayadda Liido

Qarax baabuur loo adeegsada ayaa goor dhaweyd ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxan, 3-kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu noo xaqiijiyey Qaasim Maxamed Nuur oo ka mida milkiilayaasha maqaayadda.

Qaasim ayaa sheegay inuu u malaynayo inay qaraxan ka danbeeyeen kooxihii horey u qarxiyay makhaayado kale oo magaalada ku yaalla, wuxuuse sheegay in qaraxan uusan ka joojinayn shaqadooda.

Maqaayaddan qaraxa lala eegtay ayaa waxaaa isticmaala dadka qurbo-joogta, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wareysiyo qaraxa ku saabsan halka hoose ka dhageyso...

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiyada Qaraxa ka dhacay Maqaayadda