Qaadka ayaa Britain looga soo dhoofiyaa Afrika, waxaana dadka aad u istcimaala ka mid ah Soomaalida.
Soomaali fara badan ayaa olole weyn u galay sidii qaadka looga macnuuci lahaa dalka UK, iyagoo sheegay inuu dhibaato weyn ku hayo mushtamaca Soomaalida ee Britain degan.
Abuukar Cawaale oo ka mid ah Soomaalida u ololeysa in qaadka laga mamnuuco Britain ayaa wariyeheena Falastiin Axmed Iiman uga waramay dhibaatada qaadka barmaamijka Martida.