Dowladda: Dadka Kismaayo ayaa Maamulka Sameysanaya

  • Falastin Iman
Dowladda Somalia ayaa mar kale ku celisay siyaasadeedda ku aadan maamul u sameynta gobollada dalka, gaar ahaa gobolka Jubbada Hoose oo muran weyn uu wali ka taagan yahay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa VOA u sheegay in dowladdu aysan maamul u dhisay Kismaayo balse ay tahay in maamulka uu ku yimaado rabitaanka dadka deegaanka,

Wasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyadda dowladduna ay tahay oo kaliya fududeynta iyo kor kala socoshada qaabka maamul loo dhisayo.

Hadalkan wasiirka ayaa daba socda shir ay shalay yeesheen golaha wasiiradda dowladda Somalia oo looga hadlay sida ugu haboon ee maamul loogu sameyn karo gobollada iyo magaalooyinka laga xoreeyey al-Shabaab.

Wareysiga wasiirka oo dhan halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya