Tirada Soomaalida lagu Dilay Koonfur Afrika 2012

Soomaali ku Dibadbaxaysa banaanka hore ee Baarlamaanka Koonfur Afrika.

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika, ayaa diiwaangaliyey tirada Soomaalida lagu dilay sannadkan 2012ka dalka Koofur Africa

Guddiga ayaa sheegay in 100 Soomaali ah lagu dilay goobo kale duwan oo dalkaasi ku yaalla.

Guddigu wuxuu sheegay in marka loo eego sannadkii hore ay hoos u dhacday tirada Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha Jaaliyada Somalida ee dalka Koonfur Africa Cabdirahman Yusuf Ahmed Raabi, ayaa sheegay in tirakoobka dhimashada Soomaalida ee dalka K/Afrika ay sameeyaan sanad kasta, si loo soo bandhigo khasaaraha soo gaara sannad walba Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

Wareysiga oo dhan halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Guddoomiyaha