Puntland oo soo Furatay Markab iyo Shaqaale Afduub loo Haystay

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidankoodu ay maanta soo bad-baadiyeen 22 shaqaale la haystayaal ah iyo markab afduub ahaan loogu haystay xeebaha gobolka Mudug muddo ku dhow 3 sannadood.

War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidanka Puntland uu muddo laba toddobaad ah ku hareeraysnaa markab lagu magacaabo MV Iceberg 1 kaasi oo ay burcad-badeed Soomaali ah afduub ugu haysteen xeebta Garacad, waxaana dagaal kadib maanta ciidanka u suurto-gashay inay soo furtaan shaqaalihii saarnaa markabkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in 22 shaqaale ah oo u kala dhashay, Yemen, India, Ghana, Sudan, Pakistan iyo Philipines ay jirkooda ka muuqato jirdil iyo xanuunno kale kuwaasoo iminka gacanta ay ku hayaan ciidanka Puntland oo daryeelna la siinayo.