40 Guurada Qorista Far Soomaaliga oo Maanta la Xusayo

  • Mohamed Olad
Kulan Lagu Xusayo 40 Guurada Qorist Farta Soomaaliga ayaa maanta ka Dhacaya Dalka Jibouti, waxaa ka qeybgalaya Madax ka socota Dhulalka Soomaaliga looga hadlo ee gobolka
Saakay magaalada Djibouti waxaa lagu wadaa inay ka furanto kulan lagu xusayo, 40 guudarada ka soo wareegtay qorista Farta Soomaaliga, sanadii 1972kii.

48kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa Djibouti ku qulqulayay dadkii lagu casuumay inay munaasabadda ka qeybgalaan.

Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xalay casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyay xalay wafuudaas, oo uu ka midyahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud. Iyo madax kale, oo ka socda Somaliland, Puntland, Kililka Soomaalida Ethiopia, Kenya iyo meelo kale oo gobolka ah.

Waxaa sidoo kale xafladda lagu casuumay hal abuurka Soomaaliyeed Fanaaniin, iyo aqoonyan, waxaana lagu wadaa in lagu soo bandhigo Qaamuus cusub oo farta Soomaaliga ku qoran iyo buugaa kale.

Wareysi uu Wariyeheenna Djibouti Ramadan Muuse kala yeeshay xafladda Gudoomiyaha suxufiyiinta dalalka Africa ee saxaraha ka hooseeya Moha Farax Jire halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga 40 guurada Qorista Far Soomaaliga