Natiijadii Doorashada Hargeysa oo loo Gudbiyey Maxkamadda
Guddiga doorashada Somaliland ayaa goor dhaweyd soo saaray go’aan ay ku sheegeen in natiijadii doorashada deegaanka ee degmada Hargeysa ee rabshadaha dhalisay ay u gudbiyeen maxkamadda gobolka Hargeysa si ay go’aan uga gaadho.
Madaxweyne Sillaanyo oo isna ka hadlay rabashadihii ka dhashay doorashooyinka ayaa sheegay in laga warsugo Guddiga Doorashooyinka.