Laba mudane oo ka tirsan congresska Mareykanka ayaa shalay u gudbiyay congresska sharci ku saabsan xawaaladaha, kaasoo gacan ka geysanaya wax ka qabashada dhibaatooyinka lacag dirista ka heysta Somalida Mareykanka iyo dadyoowga kale ee dalkan ku nool ee eheladood lacagaha u dira.
Mudane, Keith Ellison oo laga soo doorto Gobolka Minnesotta ee ay Somalida degto oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga iyo Mudane Erik Paulsen, oo isna isla gobolkaasi laga soo doorto, balse u ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sharcigan si wada jir ah u soo saaray.
Madaxa hay’adda Somali Action Alliance Xaashi Shafi oo ka mid ah rag in muddo ahba olele ugu jiray sidii Xawaaladaha somalida Mareykanka ay u heli lahaayeen – macaamil Bangi oo rasmi ah, ayaa VOAda uga waramay sharciga.