Xaaladda Islii oo Dagan iyo Gaarisa oo Qasan

Gaarissa

Xiisadda xaafadda Islii ayaa dagan, laakiin dhinaca magaalada Gaarisa ayaa xaaladeedu kacsan tahay kadib markii 3 askari la dilay. Militariga ayaa dadka xirxiraya iyadoo o uu dab qabsaday Suuqa Gaarisa.

Rabshaddo u dhaxeeya dhalinyaro careysan iyo Soomaalida Easleigh ayaa maanta ilaa xalay ka dhacayay halkaasi. Ugu yaraan 2 qof oo Soomaali ah ayaa dhintay, halka la boobay dhowr goobaha ganacsiga ay leeyihiin Soomaalidu.

Dhinaca kale xiisad cakiran ayaa ka taagan magaalada Gaarisa kadib dil maanta loo geystay 3 askari. Ciidamo ka socda militariga Kenya ayaa gudaha u galay magaalada Gaarisa, waxayna bilaabeen howlgallo ay dad badan ku qab-qabteen.

Cabsi ayaa ka jirta magaalada Gaarisaa. Dhanka kale waxaa dab qabsaday suuqa weyn ee magaalada Gaarisa, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dabkaasi dhaliyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wararkii u Danbeeyey ee Gaarissa


Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Islii iyo Wareysiga Faarax Macalin