Labo Soomaali ah oo lagu Dilay Yemen

Labadan Soomaalida ah ayaa wararku sheegayaan inay u dhinteen rasaas ay rideen ciidanka Yemen, rasaasta ayaa sidoo kale dhaawacday tiro kale oo Soomaali ah.
Soomaalidan dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa, sida wararku sheegayaan, ka yimid xerada Al-Kharaz. Dalka Yemen waxa jira aragtiyo baahay oo sheegaya in dhalinyarada Soomaalidu ay ku lug leeyihiin falal argagixiso, iyaga oo lagu tuhmo inay xubno ka yihiin ururka Al-Qaacida ee Gacank Carabta.

Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dilka Yemen