Magaalooyinka iyo guud ahaan Geeska Afrika waxaa maanta looga dabaaldegay xuska maalinta Ciidul-Adxaa. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay salaaddii Ciidda ee Isbahaysiga Muqdisho ayaa ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo.
Madaxweynaha waxaa sidoo kale salaadda ciidda kala qeybgalay RW Saacid, Afhayeenka baarlamaanka, xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan dowladda iyo waliba dadweyne aad u fara badan.
Xasan Sheekh wuxuu dhalinyarada ka tirsan al-Shabaab ugu baaqay inay nabadda qaataan oo dowladdiisa ku soo biiraan.
Magaalooyinka kale ee Hargeysa, Garoowe, Beledweyne, Nairobi iyo Djibouti ayaa iyagana si weyn looga xusay Ciidda oo ay dadku ka sameeyeen dabaaldegyo.