Afhayeenku wuxuu sheegay in AMISOM howlgallada ay ka wado gobollo ka tirsan Soomaaliya ay qorsheynayso sidii ay dhammaantood isugu xiri lahayd, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.
Cali Xaamud wuxuu sheegay in furitaanka wadada ay u sahli doonto shacabka inay noloshoodii sii wataan.
Afhayeenka AMISOM, wuxuu sheegay in toddobaadkan amnigu Muqdisho uu yahay mid fiican oo ka duwan kuwii hore.