AMISOM oo ka Hadashay Amniga Muqdisho

afhayeenka AMISOM

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraaid oo uu maanta Afhayeenku qabtay magaalada Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu sheegay in AMISOM howlgallada ay ka wado gobollo ka tirsan Soomaaliya ay qorsheynayso sidii ay dhammaantood isugu xiri lahayd, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.


Cali Xaamud wuxuu sheegay in furitaanka wadada ay u sahli doonto shacabka inay noloshoodii sii wataan.

Afhayeenka AMISOM, wuxuu sheegay in toddobaadkan amnigu Muqdisho uu yahay mid fiican oo ka duwan kuwii hore.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta weriyaha VOA Xasan Kaafi Qoyste